DHAGEYSO:- Fiqi oo Sheegay in Dowladda Federaalka ay AMISOM Ugacma Qabatay Shacabka Muqdisho


Axmed Macalim Fiqi madaxii hore ee Sirdoonka DF-ka kana mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada dowladda Federaalka ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay hanjabaad u jeediyaan dadka shacabka ah ee isku daya in ay dambiyo kusoo oogaan ciidamada AMISOM.

Fiqi ayaa ka sheekeeye dhacdo murugo leh oo ciidanka shisheeyaha AMISOM bilo ka hor kula kaceen dad shacab ah.

Ciidamada AMISOM ayaa agagaarka isbartiibada ku dilay wiil dhalinyara ah kadibna ehelkiisa ayaa isku dayay in ay dibad baxyo cabasha ah dhigaan balse si lama filaan ah waxaa arrinkaasi is hortaag ugu sameysay dowladda Federaalka.

Sida Axmed Macalin Fiqi uu sheegay Hoggaanka DF-ka ayaa ugu hanjabay ehelka wiilka laga dilay iyagana ladili doono haddii ay ku adkeystaan abaabulidda dibad bax ka dhan ah AMISOM.

Siyaasigan horay uga tirsanaa dowladda Federaalka ayaa banaanka soo dhigay dabadhilifnimada xukuumadda ka jirta Villa Somalia oo u caysan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

imageedit_4_5553740032

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

DAAWO:- Gaafoow iyo Yuusuf Jimcaale oo dad shacab ah handadaya

Taliska sirdoonka dowlada Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ay ku fashilmeen sugidda ammaanka waxay ka badin waayeen in dad shacab ah raafaan kadibna ay si qasab ah ugu amraan in ay la hadlaan warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha.
Gaafoow iyo Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa dadka ku qasabayay in ay la hadlaan Telefeshinka Afka xukuumadda iyagoo iska dhigaya in ciidanka DF-ka ay soo badbaadiyeen.
Wuxuu ahaa muuqaal muujinayay heerka uu gaarsiisanyahay fashilka gaaray madaxda DF-ka iyagoo guul been abuur ah gacantooda kusameynayay.
Mushkiladda dhanka ammaanka ah waa mid halakaysay dhammaan madaxda DF-ka kuwaasi oo marwalba ku hadaaqa in ammaanka caasimadda uu yahay mid hagaagsan.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

DAAWO:-Waxa Kalahaysta Taliska TPLF & Baraha Bulshadu Kulanto.

Kooxda TPLF (Tigreega) oo shaki iyo shoog uu daris lanoqday ayaa ka walaacsan baraha bulshadu ku kulanto oo noqday matoorka ugu wayn ee shida kacdoon-wadeyaasha, waxayna kooxdu aamintay in aaladaha ay bulshadu isticmaasho ee casriga ah ay yihiin kuwa kula jira dagaalka xoogan.

Kooxda cabudhiska kucaan baxday ee TPLF ayaa horaanba u xidhay baraha bulshada sida Facebook, Twiter, Youtube iyo kuwo kale oo badan waxayna kooxdu aamintay in ay aaladahaasu qayb kayihiin kacdoonka kooxda lagaga soo horjeedo ee Itoobiya kasocda.

Taliska Wayaanaha ayaa iskudayo badan oo uu sameeyay ayna usuura galin balse wayaanaha ayaa gobolo badan mudo hawada kasaaray baraha bulshada sida Gobolka Axmaarada iyo Gobolka Oromada iyo waliba Ogadenia. Guud ahaan dhulka ay kooxdu maamusho ayaan laga ogolayn wax suxufi ama saxaafad ah waxaa kale oo cidhiidhi ah in ay bulshadu si furan u isticmaalaan baraha Bulshada,

Kooxda TPLF ayaan wali kadaalin sidii ay ula dagaalami lahayd baraha bulshadu ay ku xidhiidho waxayna kooxdu geed dheer iyo geed gaabanba ufuushay ladagaalanka Media ha. Hoos kadaawo waxa kala haysta TPLF iyo Media ha.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Mushaar la’aan aawgeed Shaqada Ujoojiyay.

Image result for garoonka diyaaradaha muqdisho

Kumanaan katirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay shaqa joojin guud kadib markii ay waayeen lacagihii mushaarka ay u qaadan jireen.

Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada ay hakiyeen laga bilaabo maanta oo isniin ah 29,8,2016.

Shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Favori ay diiday in ay bixiso mushaarka shaqaalaha.

Boqolaal katirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha ayaa lagu arkayaa iyagoo hor tuban garoonka, tallaaban ayaa imaanaysa xilli musuq maasuq daran uu hareeyay dhammaan hay’adda dowladda Federaalka.

Shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala garoonka diyaaradaha caasimadda ayaa lacago mushaar ah si joogta ah u qaatay halka kuwa soomaalidu ay dhaqaale la’aan la duruufaysanyihiin.

Shirkadaha Turkiga ayaa gacanta ku haya dekadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha oo ah labada kaabe ee u dhaqaale badan dalka Soomaaliya.

Bankiga dhexe ee Muqdisho ayaa laga xaday lacago ku dhow hal milyan oo dollar halka wasiirka maaliyadda uu lacago badan lunsaday.

Xilligan kala guurka ah ayay kaabayaasha dhaqaalaha dalka gacanta ugu jiraan dowlado shisheeye iyo Xisbiga Damul Jadiid oo doonaya in markale uu hoggaanka u qabto Dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi

Saxaafad U Dhaqmaysa Sida Sirdoonka !!

36729127.jpg

Saxiibayaal waxaa baryahan inagu soo badanaaya saxaafad u dhaqmaysa sida sirdoonka ,taasoo aad mooddo hanaanka iyo habka ay u shaqaynayaan in uu yahay amma uu u eeg-yahay sida ay u shaqeeyaan hay-adaha sirdoonku.

Laamaha sirdoonka iyo danbi-baadhistu waxa ay leeyhiin qaab ay dadka ku waraystaan ,waxna ku waydiiyaan oo u gaar ah, shaqada sirdoonka waxaa ka mid ah in ay daba gali karaan cidii ay isleyihiin dinbi ayay faraha kula jiraan.

Hadaba waxaa baryahan soo muuqanaya saxafada qaar ka mida ,oo marka ay cid waraysanayaan amma wax ka sheegayaan aad moodo in ay ula dhaqmayaan sidii danbi baadhis ay yihiin oo kale ,mararka qaarna waxabad arkaysaa saxaafad si gaar ah u daba dhiganaysa shakhsi ay dhici karto in ay si gaar ah wax uga dhaxeeyaan.

Waxa aan in badan daawaday amma aan akhristay warbaahin aad moodo marka dhinac laga eego in qaabkan ay wax u waraystaan in uu yahay kii lagu yaqanay hay-adaha ku shaqada leh sirdoonka ,balse aanu ahayn kii saxafadda .

Hay-adaha sirdoonka ayaa waxa lagu yaqanaa in ay raadiyaan,daba-gal xoogana ku sameeyaan cidkasta oo ay isleeyihiin danbi ayay faraha kula jirtaa,balse taas waxaaba kasii daran saxaafad iyaduna sidaas oo kale u dhaqmaysa oo baryahan danbe aad moodo in ay inagu soo badanayso.

Warbaahinteena qaar ka mida ,waxa aad in badan ku arkaysaa ,iyaga oo daba galaya amma doonaya in ay wax ka ogadaan arimo qof u gaar ah ,sababta oo ah waxa laga yaaba in qofkaasi iyo saxafadaasi ay noqdeen kuwo xurgufi dhextaalo.

Xaq u malaha qofka wariyaha ahi in uu iyada oo aan la garaynayn in uu dad si toosa iyo si dad-banba toona uu war uga duubo ,waxaa waajib ku ah wariyaha in warkasta iyo waraysi kasta oo uu qaadayo uu yahay mid si cad loo garanaayo qofka uu yahay iyo saxafadda uu ka socdo .

Waxaa danbi wayn ah in nin madaxa amma qofkasta oo bulshada ka tirsan saxaafadu ugu yeedho magac aanu raali ka ahayn isla markana aan la odhanin,Ilahayna sw waxa uu in badan Quraanka inoogu sheegay in ay danbi tahay in qof loogu yeedho naanays aanu lahayn raalina aanu ka ahayn.

Saxaafada waxaa lagu yaqaanaa dhawrsanaan ,daganaan,ixtiraam iyo hubsiimo dheeraad ah, shaqada saxaafadu maaha in aay qof daba gasho isla markaana ay raad-kurto oo aad jiif iyo joogba u diido.

Faa idada wariyaha :

Wariyaha caafimaadka qabaa waa sida waardiyaha dadka , waardiyuhu (waashmaanku) waa kan marka ay dadku wada seexdaan hantidooda iyo maalkodaba ilaaliya ,saxafaduna waata xilliga ay dadku wada seexdaan shar iyo khayr wixii dunida ka dhacay inoo soo gudbinaysa .

Qofkasta oo inaga mid ahi marka uu aroortii soo tooso ,isaga oo aan war iyo wacaal-toona hayn ayaa waxa uu shashadaha TV-yada ,websityada iyo joornalada ku arkaa wixii dhib iyo dheef ah ee intii ay hurdeen aduunka kusoo kordhay, waana arin u baahan in wariyaha loogu mahad celiyo.

Waxa kaloo jirta in dhalinyaradaasi isu xilqaantay wariya nimada aanay dhaqaale la taaban karo ku helin saxaafada, walibana ay u dheer tahay hagaar-daamo iyo hatigaad joogta ah oo ay ku hayaan siyasiyiintu .

Waynu ognahay oo caad inagama saarna in wakhtigan xaadirka ah ay saxafadu tahay mid wax badan oo wanaagsan inagu soo kordhisay,saxaafadu waxa ay ka hadashaa oo ay muujisaa cidkasta oo dawlada ka tirsan oo ay dhici karto in ay hantida qaranka si qaldan u adeegsato.

Balse waxaa ila fiican in aad looga taxadaro waxyabaha sumcada iyo sharafta saxaafada wax u dhimaaya, si ay saxafadeenu noqoto mid horumar la taaban karo samaysa .

Saxaafadu naxariista yay ka tagin:-

Waxyabaha aadka iiga yaabiyay waxaa ka mid ah ,waxa aad arkaysaa nin saxafi ah oo ka hawl galaaya goob shil amma qarax ka dhacay ,waxaaba laga yabaa in goobtaasi aanay joogin cid gurmad degdeg ah u fidisa dadkaasi dhibatadu ku dhacday ,saxafiguna uu yahay qofkii usoo horeeyay ee goobta yimi.

Sidaa awadeed ninkii saxafiga ahaa halkii uu dadkan dhibataysan gurmadka uga fidin lahaa waxaba laga yabaa qaar ka mida in ay mashquul ku noqdaan ,shaqadoodii ahayd in goobtaasi ay war kasoo duubaan kana soo diraan ,kadibna ay halkaasi ku nafwaayaan dad uu badbaadin kari lahaa Ilahay idamkii.

Waxaa aad arkaysaa nin wariye ah oo Kamaradii la dhex wareegaaya meel jab iyo hoog ka dhacay,mana aha wax inagu cusub waa arin maalin walba dhacda oo aan la dafiri karin.

Wariyuhu in uu shaqadiisa gutaa ma xuma ,balse talada ha ku darsado in mararka qaar aanu xaq u lahayn in uu dad dhaawac iyo dhimasho isugu jira cid gargaar u fidisana aan haysan ,waxaa waajib ku noqonaysa in uu dadkaasi badbaadiyo ,hadii labada shaqo isku dari karana waa hawlkarnimo dheeraada.

Ma jeclaysan lahayd wariye in adiga oo dhaawac ah oo dhiig bax u dhimanaaya , in nin wariya ahi inta uu kamarad kula kor istaago in maanta oo dhan marba dhinac kala wareego isaga oo sawiro uun kaa qadanaya ee aan dankale kaalahayn,kadibna aad halkaasi ku naf baxdo, waxa ay ila tahay waa maya ma jeclid.

Arintan aan ka hadlayo dhamaan saxaafada oo dhammi malaha ,balse waxa laga yaaba in dhalinyaro aan si fiican u taba-barayni ay sidan oo kale u dhaqmaan ,iyaga oo moodaya in saxafada ilbaxa ahi ay sidan u dhaqanto .

Saxafadu wayn inagu cusub tahay.

Dhulka Soomalida shaqadan saxaafadu waxa ay soo gaadhay xiliyadii gumaystayaasha ,wixii ka horeeyayna maynaan lahayn amma maynaan aqoonin waxa la yidhaahdo saxaafadan casrigaa ,waxa uun aynu wararka iyo barnaamij-yada isu gaadhsiin jiray qaab dhaqan iyo caado inoo ahaa sida gabayada iwm

In Saxafadu ay nooga timi wadamadaasi qalaad ,inaguna cusub tahay waxa aad ku garanaysaa kalmadaha aynu u isticmaalno dhamaantood waxa ay kasoo jeedaan luqado qalaad sida Carabiga iyo Ingilishta ,tusaale ahaan ereyga Saxaafad (saxaafi) iyo Joornaal (journalism) .

Hadaba waa maxay saxaafadi ? saxaafadi waa xirfad iyo shaqo u xilsaaran in ay bulshada usoo gudbiso warar ,faaloyin iyo barnaamidyo kasta oo dadka iyo mujtamacu ay aad u danaynayaan,sida Diinta ,wararka ,faalloyinka ,sheekooyin cayaaro, khudbado,mada-daaloyin iwm.

Saxaafadu waxa ay adeeg-sataa aalado kala wada duwan oo ay dadka warka kusoo gaadhsiiso sida, TV-yada ,qoraalo lagu soo daabaco websit-yada, filimado, sawiro, jaraa’id, buugaag iyo wax kasta oo sahlaaya in bulshadu ay heli karto fariintaasi .

Khasab maahan in qofka suxufiga ahi uu waxarasho heer jamacadeed leeyahay waayo aduunka wariyayasha ugu waawayn qaar ka mida malaha aqoon jamacadeed ,balse waa dad dadaal iyo hawlkarnimo ay daacad nimo ku dheehan tahay sameeyay,waxaa khasab kugu noqonaysa in aad khabrad ka raadsato hay-adaha ku shaqada leh iyo ururada qaabil san.

Hadaba saxaafada iyo suxufinimaddu waa shay muhiim ah una baahan masuuliyad dheeraada iyo aqoon xirfadeed ku saabsan shaqadaasi saxaafada , waayo waxa ay saameyn wayn ku dhex leeyihiin dad waynaha aduunka oo dhan iyo bulshada ay sida gar ka ah ugu adeegaan.

Sidaa awadeed waxaa fiican in qofka suxufiga ahi rag iyo dumar midkuudoono ha ahaadee uu faham-sanaado masuliyada gaarka ah ee ay leedahay xirfadani ,si aanay waxyeelo usoo gaadhin bulshada , iyaguna ay uga nabad galaan.

Waxa aad in badan warbaahinta ka maqlaysaa erayga xorriyatul qowlka amma madaxbannaanida saxaafada ,tasoo aas-aas u noqotay in qaar badan oo ka mid ah saxaafada madaxa banaan ay u adeegsadeen si ka baxsan anshaxa iyo akhlaaqda saxaafada looga bahan yahay.

Aduunyada ma jiro lana soo helimaayo wadan amma dal dhamaan ay saxafadu waxa aydoonto ay samayso ,erayga ah xoriyad waxa uu ku qaydan yahay in saxafadu ay xor u tahay soo gudbinta waxkasta oo bulshada wax u taraaya.

Waa ay jirtaa oo lama dafirikaro in wadamada reer galbeedku ay saxafadahooda waxuun xoriyada ay marka ay doonaan ay siyaan balse hadana iyaga laftoodu waxa jira xuduud aanay dhaafi karin oo xakamaynaaya.

Hadaba inagu waxa aynu nahay dad muslim ah,waana loo baahan yahay in saxafadeenu ay ka diwanaato saxafadaha reer galbeedka ,waana in saxafadeenu saldhiga ay ka duulaysaa uu noqdaa diinteena islaamka, madamaa wadankasta saxafadiisu ay ku sal leedahay fikirka iyo maba-diida ay aminsan-yihiin.

Akhriste si aynu u helno suxufi amma saxafiyad wanaagsan waxa aynu u baahanahy in aynu marka hore ka fikirno sidii aynu ku heli lahayn qofkii shaqadan u qalmi lahaa kaasi oo leh astamahan hoos ku qoran.

1.Qof masuulidka qaadi kara ,fahmina kara xilkan saxafada ee uu hayaa in uu yahay mid maalinta aakhiro Ilahay kala xisaab tamaayo.

2.Qof Hal-abuur leh , mihindisa wax saadaalinkara ,indheer garadna ah .

3. Qof wax ka yaqaana tariikhda aduunka iyo xidhiidhka guud ee caalamka iyo juqaraafiga.

4. Qof wax kala socda siyasadaha aduunka iyo waxa lakala macaashaayo ,ee aan ku koobnayn oo kalya gobolka uu degen yahay iyo xaladahiisa .

5. Qof leh dulqaad badan ,waayo waxa aad marar badan iska hor imanaysaan siyaasi sumaysan kasoo loo baahan yahay in aad taxadarkaaga yeelato.

6. Qof leh dareen foojigan ,waayo war aad sii daysay amma fikir iyo afkaar aad leedahay oo warbaahin ku baxday ayaa bulshada qaar ka midii ay si kale u arki karaan kuwaasoo cadaw kuu noqon kara.

7. Qofka wariyaha ah waxa looga bahan yahay cadaalad iyo daacadnimo ,sida uu xeerka saxafadu dhigaayo hadii aad hal qof amma hal koox aad waraysato waxa iyada kugu waajib ah in aad iyadana waraysato cida kale ee kasoo horjeeda.

8. Qofka wariyaha ahi waa sida askariga ,waxa looga bahan yahay in uu markasta u taagnaado soo gudbinta dhacdooyinka aduunka iyo wararka iska-soo daba dhacaaya .

9. Waa in uu si fiican u yaqana afka Somaliga ee uu rabo in uu barnamij yadiisa ku gudbiyo ,haday tahay qoraal iyo haday tahay hadalba.

10. Waa in uu ku dadalaa in uu markasta wararkiisa iyo barnaamijyada uu umada usoo gudbinayaa in ay noqdan kuwo xaqiiqda ku qotoma.

Saxaafadu waa u adeegaha bulshada waana macalimka dadwaynaha ,sidaasi awadeed ayaa waxa looga bahan yahay in ay saxafadu noqoto macalin wanaagsan si ay dadkuna u noqdaan arday wanaagsan.

Saxafiyoow waxa aad sidataa seef laba afleh ,markaa waxa lagaga baahan yahay in aad dhinaca wanaagsan u adeegsato oo aanad u adeegsan dhinaca sharka,isku dirna iyo iska horkeenka bulshada.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

facbook.khadaraar@hotmail.com

GEN: Samatar Ma Ahayn Dabadhilif Laakiin Dabadhilif Baa Duugtiisa Xaadiray!! WQ: Suldaan Cabdul Majiid

Inkastoo taariikhda Halganka iyo wanaagii uu dalkiisa gaarsiiyey aanan halkan lagu soo koobi karin, hadana Gen. Maxamed Cali Samater waxaa sharaf iyo qiimo ugu filan in uu ahaa halyeeygii sanka dhulka ugu jiiday dowladaha cadowga ee jaarka nala ah, soona celiyey Jig-jiga iyo magaalooyinkeenii Soomali-Galbeed.

Samater wuu gutay waajibkii ka saarnaa ilaalinta dadkiisa iyo dalkiisa, wuuna ku faraxsanaa sida dhalinyaranimadiisii uu dalkiisa kaga soo ilaaliyey bahalada iyo cimriga dheer ee uu Alle gaarsiiyey balse wuxuu ka murugeysnaa sida loo dayacay mirihii halganka iyo fursadda uu helay cadowgii soo jireenka ahaa ee dabinta ku raadinayey dadka Soomaaliyeed.

pizap.com14723744753351.jpg

Waan jeclaa in aan idin arko idinkoo mideysan oo cadowgiina cunaha kaga taagan laakiin ma arki doono sida ii muuqata” ayuu yiri ka hor inta uusan  geeriyooni


Gen. Samater wuxuu aad kaga walwalsanaa sida dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay u qeybsadeen Dekadaha iyo magaalooyinka Soomaaliya, ayna u hanteen hoggaanka maamulka ku sheega ka jira Soomaaliya.

“77-dii waad xusuusataan, daaqadaha Addis Ababa ayaanu garaacnay, maantana dakadda Berbera waxaa Xamaali ka ah Itoobiya, wax kale iskaba dhaafe” ayuu yiri Samater oo aad u qiireysan xilli uu ka hadlayey kulan uu kaga qeybgalay wadamada qurbaha.

Damaca Itoobiya iyo Talada Samater.

Wuxuu isweydiiyey sababta dhalinyarada Soomaaliyeed ay qiiradii kaga tagtay oo ay dib u milicsan la’yihiin sharaftii iyo cizigii ay lahaayeen. Wuxuu dhalinyarada rag iyo dumarba ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan gumeysiga cusub ee kaga imaanaya Itoobiya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in damaca Itoobiya iyo Kenya ee Soomaaliya uu yahay mid ay ku doonayaan in ay ku boobaan kheyraadka iyo hantida dadka Soomaaliyeed.

Si gaar ah wuxuu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay qabsato Dakadaha magaalooyinka Soomaaliya maadama aysan lahayn bad ama xeebo sida uu sheegay.

Markaan si wanaagsan u dhuuxay hadalada Samater, kuna noqnoqday markale iyo mar saddexaad waxaan aad kaga xumaaday in dabadhilif Xasan Sheykh oo kale ah uu Janaazo ku tukado Nin halyeey Samater oo kale ah. Waxaana dhowrjeer ku soo cel-celiyey oraahda ah “Samater dabadhilif ma ahayn……laakiin dabadhilif ayaa xaadiray duugtiisa”.

Koox ka mid ah hogaamiyeyaasha dabadhilifka u ah Itoobiya oo uu ugu horeeyo Xasan Sheykh Maxamuud iyo Ra’isul Wazaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid iyo qaar ka mid ah waziirada maamul ku sheega Muqdisho ayaa Samater ku tukaday Salaadda Janaazada, kana qeybgalay aaskii loo sameeyey!! Waa kuwii baday ciilka iyo carada ee dhumiyey miraha halgankiisii, una fududeeyey Itoobiya in ay qabsato dalkeena markale.

Waxaa la yaableh oo aan aad uga xumahay in halyeey Samater oo kale ah oo sanka dhulka ugu jiiday Itoobiya ay janaazadiisa ku tukadaan dabadhilifyo aan damiir lahayn oo dad iyo dalba meel ku sheegin.

Xasan Sheekh Iyo Jig-Jiga.

Maalma ka hor Xasan Sheykh waxaa looga yeeray magaalada Jig-Jiga oo ka mid ah dhulalka Soomaaliyeed ee ku hoosjira gumeysiga Itoobiya. halkaas wuxuu kula kulmay dabadhilifkii kale ee deegaanada kaga wakiilka ahaa nidaamka Tikreega ee Addis Ababa.

Markii uu ka soo noqday safarkaas wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud si cad oo aan gambasho lahayn u sheegay in jig-jiga ay ka mid tahay magaalooyinka Itoobiya, ayna qaldan yihiin dadka u taagan in ay xureeyaan!!.

Wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Roog guduudan loogu fidiyo magaalada Jig-jiga ee soo mara Soomaaliya waayo madaxweynihii isaga ka horeeyey ee booqday magaaladaas wuxuu ahaa Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ku tagay diyaarad dagaal sanadkii 1977-kii intii lagu gudajiray dagaaladii lagu soo celinayey dhulalkii Soomaaliyeed ee ku jiray gacanta Itoobiya.

General Samter oo xilligaas ahaa waziirkii gaashaandhiga ee Soomaaliya isna wuxuu ku tagay dareeskiisa dagaalka isagoo sanka ka heysta baqtiga ciidamada xabashida ee daadsanaa hareerihiisa.

Nin Geesi Samater oo kale ah ma mudan yahay in meydkiisa uu soo hor istaago dabadhilif la mid ah Xasan Sheykh Maxamuud? mise waxaa la waayey qof damiir leh oo Xasan ka horleexiyey safka, una sheega in uusan u qalmin ka qeybgalka duugta samatar?.

Halyeey ayuu ahaa midka saarnaa sariirta ee duugtiisa la isugu yimid balse kuwa ku tukanayey ayaan garan la’ahay wax aan ku tilmaamo. Ma dumar darees rageed soo xirtay mise duul dabinka Itoobiya nagu daayey?.

Maxaa Meydka Samater Loogu Aasay Wazaarada Gaashaandhigga

Sida aan ka warqabno Samater waxaa lagu aasay dhismaha wazaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Arintan marka aad ka eegto meel fog waxaad dareemeysaa in ujeedka Samater loogu aasay halkaas ay tahay mashruuc la isku og-yahay sababtoo ah waxaan ognahay in Samater uu ahaa nin qarow iyo kaabuus ku ahaa Itoobiya oo nolol iyo geeriba ay ku raadinayeen.

Maadama maanta uu geeriyooday jirkiisana uu gacanta ugu jiro dabadhilifyadoodii u joogay Soomaaliya waxaa suuragal ah in Itoobiya ay dalbatay meydkiisa balse cabsi laga qabo bulshada darteed laga joogsaday arintaas oo la qaatay qorshe kale oo ka fudud midkaas islamarkaana meydkiisa loo dhigay meel la isku og-yahay oo ay beri kala bixi karaan haddii ay yimaadaan Muqdisho ama ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Gunaanadkii Soomaalidu waxaan kula talin lahaa in ay keydsato taariikhda dadkeeda, ayna gacanta dabadhilifyadan oo kale ku aaminin aaska iyo duugta dadkii halyeeyada ahaa ee Umaddan ka soo saaray gumeysiga ee dhaxalsiiyey sharafta iyo qiimaha ay maanta heystaan, waaba haddii ay wax inoo hareene!!.

W/Q Suldaan Cabdul Majiid

 

WARBIXIN:-Dibulumaasiyiintii Dawlada Itoobiya Dalalka Dibada U Joogey Oo Baxsanaya.

Image result for tigre diplomatic

Dowlada uu Tigray-gu awooda badan leeyahay ma ahaan doonto mid sii waari doonta mudo dheer, waxaa sidaas lagu yiri faallo uu qoray wargeyska STRATFOR Jimcahii, Bisha August aheyd. 19, Sanadkan 2016-ka

Waxaa taliska ka baxsaday lix diblomaasiyiin sar sare ah oo ka shaqeynayay safaaradaha ay Itoobiya ku leedahay dalalka Ghana, Mareykanka, Koonfur Afrika iyo dalka Hindiya horaantii bishan August.

 

Dr. Yohannes Getahun iyo Ms Emebet Birru ayaa safaaradooda Washington ka goostay. Mr. Elias Worku iyo Ato Getachew Mulualem oo qunsulo ka ahaa Safaaradooda Koonfur Afrika ayaa baxsaday. Ato Eshete Misgana iyo Ato Henock Asnake oo dalalka Ghana iyo Hindiya uga ahaa qunsulo ayaa sidoo kale goostay oo baxsadey.

Feyisa Liles, orodyahankii Itoobiya ee kaalinta 2-aad galay tartankii orodka Olombikada ee Rio, Braaziil ayaa isaguba diiday in uu dalka Itoobiya ku noqdo ka dib markii uu ku mudaharaaday dowlada.

Waxa uu sheegay Feyisa Liles in uu ka soo jeedo qabiilka Oromada, kuwaas oo la leynayo marka ay si dimuqraadi ah u mudaharaadaan. Haddii uu ku laabtana dalkiisana qoorta loo dheeraynayo oo la dilayo. laakiin dawlada Itoobiya iyadu waxa ay sheegtay in ayna ciqaabeyn orodyahanka.Si magangaliyo siyaasadeed loogu raadiyo Feyisa Liles, waxaa loo uruuriyay in ka badan $100 kun oo dollar mudo labo cisho gudahood ah.

Waxa ay maalmahan si weyn warbaahinta Reer galbeedku u hadal haysaa in dalka Itoobiya noqondoono mid dagaal sokeeye madaxa la gala. Aqoon yahanka Tigray-gu waxa uuba aaminsan yahay in uu dalka ka badbaadiyay dagaal sokeeye 25 sano oo uu talada dalka xukumay. Sidaasna uu kuba dadaalay intii karaankiisa aheyd.

Ciidanka ayaa la wareegay talada Ismaamulka Axmaarada iyo Oromada, waxaase loo yaabaa marka ay dhawaan ciidanku u kala fariistaan isir, isir, waxaa sidaas lagu yiri faallo dheer oo lagu qoray website-ka Okay Africa.

Bahir Dar, Caasimada Kililka Axmaarada waxa ay dadku maalintii 4-aad hoosta kaga jiraan guryaha, iyaga oo shaqooyinkii iyo adeegii ay u soo bixi jireen sidaas ku joojiyay. Qaabkan mudaharaadka ah ee dalka ku cusub ayaa culeys gaar ah saaray Taliska Tigray-ga; waa caasimadii looga arimin jiray Kililka Axmaarada oo shib iyo shanqar la’aan ah.Tuhun la xiriira in ay qorshe u dagayaan Tigray-ga, dadkan guryaha ku xareysan ayaan meesha ka marneyn.

Magaalada Gondhar oo iyadu ah Bengazi-dii Liibiya oo kale ayaa ah gobolka Axmaarada ee ugu hor bilowday mudaharaadka guri jooga ah. Warbaahinta Mareykanka ee ku baxda Afka Tigray-ga ee VOA Tigrigna ayaa sheegtay in mudaharaad cusub ka dhacay Gondhar 24-kii, August sanadkan 2016-ka.

Waxa ay ka fikireen Tigray-gu sidii ay dadka dibada ugu soo saari lahaayeen. Waxaa ku soo dhacay fikirka ah haddii ay idaacada VOA Laanta Af-Axmaariga la hadashiiyaan sargaalka Axmaarka ah ee Col. Demeke Zewdu, sida ay iyagu rabaana uu u hadlo in xaalku sidaas ku dagayo.

Col. Demeke, waa mid ka mid ah raggii sida adag uga hor yimid in tuulada Walkeyt oo hoos iman jirtay magaalada Axmaarada ee Gondhar, ka hor inta aan la hoos geyn Ismaamulka Tigray-ga 90-aadkii, ay ka sii mid ahaato is maamulka Tigray, maadaama ay odayaashu sheegeen in isirkoodu yahay Axmaaro oo ayna ba aheyn Tigray.

Waxa ay xaajadu noqotay ka dar oo dibi dhal, markii uu sidii ay rabeen Tigray-gu u hadli waayay Sargaalkii Axmaarka ahaa ee ku jiray xabsiga Angereb. Waxa uu sii kiciyay dadkii Axmaarada markii uu u sheegay in ay ku adkeystaan banaanbaxa looga soo horjeedo Taliska Tigray-ga Arbacadii, August. 24 markii ay aheyd 2016 . Waxa ayna ku adkeysteen in ay guryaha ku sii jiraan.

Hase yeeshee, fikir kale oo ay la yimaadeen Tigray-gu ayaa ku talinaya in dadka guryaha ay kaga soo bixi karaan haddii loo sheego in sargaalkooda oo galaaftay ugu yaraan labo nafood askar ka mid ah ciidanka booliska Tigray-ga oo ahaa saraakiil sarsare, waxa loo qaadayaa Addis Ababa, si loogu soo maxkamadeeyo.

Waxaa jirtey in uu dagaal ku dhexmaray Xabsiga Angereb ciidanka booliska deegaanka ee Axmaarada oo difaacaya sargaalkooda xiran iyo ciidanka Federalka Itoobiya. Waxaana la arkay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo joog hoose ku duulaya, hase yeeshee, wali ma cadda halka uu dagaalku marayo.

 

Dhanka kale, waxa uu Arbacadii mudaharaad xoogan ka dhacay Finote Selam, magaalada Gojjam taas oo calankii Axmaarada laga suray, midkii dowlada Federalkana la dajiyay inta badan tuulooyinka ku hareeraysan magaalooyinka Gojjaam iyo Gondhar ayuu ka babanyaa calankoodu.

Gees kalena, abaabul ciidan ayaa garab socda mudaharaadyada ay wadaan Axmaaradu, kaas oo isna khatar kale ku ah taliska Tigray-ga.

Qoraa sare Ahmed Abdi iyo Abdulahi Nur Colombo ayaa wadajir u diyaariyey warbixintan.

Voice Of Somalia-SOMALI  LEAKS